Miyuu Paul Pogba Ku Faraxsan Yahay Man United Kadib Bixistii Jose Mourinho? Walaalkiis Ayaa Ka Jawaabay

0

Xiddiga Florentin Pogba ahna walaalka Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United ee ee Paul Pogba ayaa diiday in uu ka hadlo xiriirkii ka dhexeeyay walaalkiis iyo tababarihii hore ee Man United ee Jose Mourinho.

Paul Pogba ayaa ku dhibaatooday man United intii uu joogay tababare Jose Mourinho kadib xiriir xun oo ay lahaayeen iyo qaab ciyaareed xun oo uu pogba soo bandhigay.

Waraysi uu siiyay Foot Mercato ayuu Florentin ku sheegay in uu Pogba u sheego in uu ku faraxsan yahay kooxda Man United tan markii uu tababare Ole Gunnar Solskjaer qabtay hogaanka kooxda.

Pogba ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah kulamadii ugu dambeeyay isaga oo ah xiddigaha ugu saamaynta badan premier League.

Xiddiga reer France ayaa lagu soo waramayaa in uu diyaar u yahay in uu sii joogo Man United kadib markii uu Jose Mourinho isaga tagay kooxda.

Warkan ayaa meesha ka saaraya wararka lala xiriirinayo xiddigan kooxaha Juventus iyo PSG Kuwaas oo xiiso u muujiyay adeegiisa.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here