Miyuu Olivier Giroud Isaga Tagi Doonaa Kooxd Chelsea Dhamaadka Xilli Ciyaareedkan? Sarri Ayaa Ka Jawaabay

Tababaraha Kooxda chelsea ee Muarizio Sarri ayaa meel saaray Mustaqbalka weeraryahanka kooxdiisa ee Olivier Giroud kaas oo si weyn loola xiriirinayo in uu isaga tago kooxda chelsea sabab la xidhiidha in uuna si joogto ah ugu ciyaarin kooxda.

Weeraryahanka reer France ee Olivier Giroud ayaa kooxda ku ciyaarta Stamford Bridge ku soo biiray suuqii January ee 2018 isaga oo kaga soo biiray kooxda ay Blues jaarka yihiin ee Arsenal.

Heshiiska Olivier Giroud ayaa dhici doona xagaagan mana jiraan wax wadahadalo heshiis cusub ah oo uu kula jiro kooxda taas oo sii xoojisay shakiga ku jira mustaqbalkiisa kooxda chelsea.

Laakiin Maurizio Sarri ayaa sheegay in uuna Olivier Giroud meelna uga socon kooxda chelsea marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaagan ee dhamaadka xilli ciyaareedkan oo uu sii joogi doono kooxda.

Sarri oo la hadlaya Sky Sport ayaa yidhi”Waxa aan hubaa in uu Olivier Giroud sii joogi doono Chelsea sababta oo ah kooxda waxa ay heshiiskiisa ku dartay hal sano oo dookh ah”.

“Waxa aan laba maalin ka hor la hadlay maamulka kooxda waxana aan isku afgaranay in Olivier Giroud heshiis cusub laga saxiixo oo uu nala sii joogo”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here