“Miyuu Mbappé yahay ciyaaryahankii ugu fiicnaa uu soo tababaray???” – waxaa ka jawabay Thomas Tuchel

Macalinka kooxda Paris St Germain ee Thomas Tuchel ayaa u gartay weeraryahanka da’ada yar ee reer France Kylian Mbappé inuu yahay xidigii ugu fiicnaa uu tababare u noqday xirfadiisa ciyaareed.

Kylian Mbappé ayaa door weyn ee cajiib ah uu ka qaatay guulihii ay dhawaanahan gaartay kooxda Paris St Germain, xili ay dhaawacyo kala duwan ku maqan yihiin xidigaha Neymar Jr iyo Edinson Cavani.

20 jirkan ayaa ku hogaamiyay in kooxdiisa PSG ay guul muhiim ah kaga soo gaarto 2-0 Manchester United kulankii lugta hore ee wareega 16-ka tartanka Champions League ay ku wada ciyaareen garoonka Old Trafford, kadib markii uu dhaliyay goolka 2-aad ee ciyaarta.

Hadaba Thomas Tuchel ayaa wax laga weydiiyay hadii uu Kylian Mbappé yahay ciyaaryahanka ugu tayada badan, marka loo fiiriyo xidigihii uu soo tababaray.

“Tani waa su’aal halis ah, waxaan tababare u soo noqday Pierre-Emerick Aubameyang iyo Ousmane Dembélé, balse Mbappé mar walba wuxuu ku jiri doonaa qalbigeyga”.

“Kylian Mbappé waa mid aan caadi aheyn, laakiin Neymar Jr iyo Edinson Cavani ayaa iyagana kuwa heersare ah, waa ciyaartoy aan la rumeysan karin, ma jecli ereyada sida “kan fiican” ama “keebaa fiican” waan ku faraxsanahay ciyaartoydeena”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here