Miyuu Maurizio Sarri Badalayaa Qaab Ciyaareedkiisa “Sarri-Ball”? Isaga Ayaa Ka Jawaabay

0

Tababaraha Kooxda chelsea ee Maurizio Sarri Ayaa taageerayaasha Kooxdiisa u sheegay in ayna waxba is daalin maadama uuna badali doonin qaab ciyaareedkiisa.

Tababaraha reer Italy ayuu cadaadis badan saaran yahay laakiin waxa uu ku adkaysanayaa in uu sii wadan doono Falsafadiisa “Sarr-Ball”.

Hadii ayna natiijada kooxdu is badalin todobaadyada yar ee soo socda 60 jirkan ayaa noqon doona dhibanihii ugu dambeeyay ee milkiilaha maal qabeenka ah ee Roman Abramovich.

Taageerayaasha Kooxda ayaa aflagaadeeyay kulankii Man United falsafada “Sarri-Ball” laakiin tababaraha ayaa ku adkaysanaya in uuna badali doonin.

“Nidaamku ma ahan dhibaatada”ayuu yidhi. “Waa mid aad u fudud in la badalo fikirka taageerayaasha, waxa aan u baahanahay in aan guul gaadhno 3 ama 4 kulan waana xalka kaliya ee lagu badali karo fikirka taageerayaasha, sababta oo ah taageerayaasho waxa ay la qabsadeen guulaha ma jirto wado kale”.

“Dabcan haatan way adagtahay in aan ka fikirno in aanu guul gaadhno 3 ama 4 kulan oo xiriir ah laakiin kubada cagta wax walba waxa ay isku badali karaan hal maalin”.

“Ugu Horayn waxa aan u baahanahay qaab ciyaareed fiican, kadin Natiijo iyo kalsooni badan kadib waan samayn karnaa wax walba”.

“Waa in aan ka fikiro in aan chelsea tababare u sii ahaan doono muddo dheer hadii kale ma shaqayn karo laakiin ma hubo in ay shaqayn doonto laakiin waxa aan doonayaa in aan ku shaqeeyo mustaqbalka fog”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here