Miyuu Lionel Messi Diyaar U Ahaan Doonaa Kulanka Lugta 2-aad Ee Champions League? Wargayska AS ayaa Ogaaday.

Wargayska AS ayaa shaaca ka qaaday horumarkii ugu dambeeyay ee dhaawaca xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi kadib markii uu dhaawac sanka ah ka soo gaadhay kulankii ay Barcelona guusha ka gaadhay Man United kulankii ka dhacayy Old Trafford kana tirsanaa tartanka champions League.

Kooxda Barcelona ayaa guul dirqi ah ka gaadhay kooxda Man United kulan ka tirsanaa lugta 1-aad ee 8 dhamaadka tartanka champions League kana dhacay garoonka Old Trafford.

Wargayska AS ayaa taageerayaasha Barcelona ugu bushaareeyay in uu xiddiga reer Argentine taam muuxa u noqon doono kulanka lugta 1-aad ee ka dhici doona Camp Nou ee ay la ciyaari doonto Man United.

Inkasta oo maanta saacadaha soo socda lagu samayn doono baadhitaan buuxa hadana wararka ka soo baxaya baadhitaanka hordhaca ah ayaa sheegaya in uu xiddiga 31 jirka ah taam u noqon doono kulanka lugta 2-aad ee champions League.

Si kasta ha ahaatee waxa si weyn loo filayaa in uu xiddigu seegi doono kulanka horyaalka La Liga todobaadkan ee ay Barcelona la ciyaari doonto kooxda Huesca.

Xiddiga ayuu dhaawac sanka ah ka soo gaadhay qaybtii hore ee kulankii Man United kadib markii uu kubad kula loolamay daafaca Man United ee Smalling.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here