Miyuu Higuain Ciyaari Doona Kulanka Arsenal Vs Chelsea

Ciyaariyahanka Cusub Ee Kooxda Kubada Cagta ee Chelsea Higuain Ayaan Weli Ka gudbin Tijaabada Caafimaadka Ew kooxda Chelsea Asagoo La sii Ogaaday in uu Chelsea Ku Soo Biiraayo.

Saacada Soo Aadan Ayuu Magaalada London Soo Gaari Doonaa Si Uu U Dhamestiro Shuruuhada in koox lagu Biiro ee Xeerka Kubada Cagta U Dhagan.

Sida Uu Sheegay Fabrizio Romano Higuain Waa Ciyaariyahan Loo Xisaabin Doono Intaan Iyo wixii ka Dambeeyo Kooxda Chelsea Balse Uusan Ciyaari Karin Kulan Habeen Dambe ay la leeyihiin kooxda Arsenal.

Sido kale wariyaha Arimaha Talyaaniga Wax Badan Ka Soo Warama Ee Gianluca Di Marzio ayaa Qeexay In Higuain uu Chelsea Ku Biiraayo Maanta oo Jimca Ah Balse Uusan Awoodi Doonin Kulanka Arsenal.

“Ac Milan Waxay Isku Dayeysaa in Ay Sida Ugu Dhaqsiyaha Badan Badalkiisa Ku Keenaan Higuain Oo Chelsea Aadaayo, chelsea waa ay la Hishiiyeen labada Dhinac kaliya waxa uu sugayaa Higuain In Uu U Duulo Magaalada London Si Uu Ugu Biiro Kooxdiisa Cusub”

Sida ay Sheegeen Qabiirada Arimaha Ciyaaraha ee Gudaha Talyaaniga Waxay wada Cadeeyeen in Higuain uu Chelsea imaanaayo Balse Uusan Ciyaari karin kulanka Habeen Dambe

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here