Miyuu Firmino Ciyaarayaa Kulanka Everton , Tababare Klopp Ayaa Ka Jawaabay.

Tababare Klopp ayaa daboolka ka qaaday suura galnimada ah in xiddigiisa Firmino uu safto ,kulanka ay axadda la ciyaarayaan kooxda Everton

Liverpool ayaa axadda marti ah Everton oo ay wada ciyaarayaan kulan ka tirsan wareegga 29-aad ee horyaalka Ingiriiska .

Firmino ayaa axaddii hore ku dhaawacmay kulankii Man United mana uusan safan kulankii arbacadda ay kooxdiisa shanta gool uga badisay kooxda Watford .

Liverpool Echo ayuu Klopp ka yiri ” Firmino shalay tababarka waa uu sameeyay , xaaladiissa waa ay wacneyd”

Waxa uu macalinka intaas sii raaciyay” sida muuqata waa uu wacan yahay laacibka balse ma hubo in uu safan karo kulanka axadda iyo in kale , aan aragno ka dibna ayaan go`an qaadanayaa”.

Liverpool ayuu loolan hogaanka horyaalka ah waxa uu kala dhaxeeya Man City oo ay haatan kaga hayaan kaliya hal dhibic waxa ayna leeyihin 69 dhibic

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here