Miyuu Edison Cavani Ku Bilaaban Doonaa Kulanka Man United Ee Champions League?

Kooxda PSG ayaa marti galin doonta kooxda Man United kulan ka tirsan lugta 2-aad ee 16-ka tartanka champions League kulan ka dhici doona garoonka Parc des Princes.

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda PSG ee Edison Cavani ayay u badan tahay in uuna ku bilaaban doonin shaxda kooxda PSG ee kulanka Man United.

Red Devils ayaa kulanka soo galaya iyaga oo guuldaro 2/0 ah kala kulmay Lugtii hore laakiin Waxa ay PSG mar kale wajihi doonaan iyaga oo uu ka maqan yahay weeraryahanka reer Uruguay.

Cavani ayaa ku dhibaatoonaya dhaawac bawdada ah oo soo gaadhay kulankii Bordeaux ee bishii hore isaga oo dhaliyay goolka kaliya.

32 jirka Weerarka ka ciyaara ayaa tababarka buuxa ku soo laabtay todobaadkan laakiin waxa uu seegay kulankii ay PSG 2/1 ku garaacday kooxda Caen.

Sida laga soo xigtay tababaraha Kooxda ee Thomas Tuchel Cavani ayay u badan tahay in uuna xiddigu seegi doonin kulanka gabi ahaantii laakiin laga yaabo in uu kaydka ku bilowdo.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here