Miyuu Eden Hazard Haddaba Xidhiidh La Sameeyay Madax Waynaha Madrid Ee Florentino Perez? Natiijo Xumida Kooxdiisa Chelsea Iyo Maurizio Sarri Oo Bernabeu Ku Sii Riixaya.

0

Xidiga xulka qaranka Belgium iyo kooxda Chelsea ee Eden Hazard ayaa dhawaan cadeeyay in uu go’aan ka gaadhay mustaqbalkiisa inkasta oo aanu faah faahin nooca go’aanka uu gaadhay balse waxaa loo qaatay in uu go’aansaday bixitanka Stamford Bridge ee dhamaadka xili ciyaareedkan.

Laakiin xaalada Eden Hazard ee aan markii horeba fiicnayn waxaa saamayn xun ku sii yeeshay natiijo xumadii kooxdiisa Blues soo gaadhay kulamadii ugu danbeeyay iyo waliba xidhiidhka aan fiicnayn ee uu la leeyahay tababare Maurizio Sarri.

Eden Hazard ayaan wax qarsoodi ah ka dhigan sida uu u jecel yahay in uu maalin uun Real Madrid ka ciyaaro, waxa kale oo uu saxaafada ka hor sheegay in sanadkii la soo dhaafay uu doonayay in uu Chelsea ka baxo balse uu iska sii joogay markii uu Antonio Conte kooxda ka baxay.

Waxaa hadda soo baxay war sheegaya in Eden Hazard iyo madax waynaha kooxda Real Madrid ee Florentino Perez uu xidhiidh dhex maray si xidiga reer Belgium uu Santiago Bernabeu ugu soo biiro kadib bisha June ee sanadkan markaas oo uu gali doono sanadkii ugu danbeeyay ee qandaraaskiisa Chelsea.

Warbixin lagu daabacay shabakada dalka Spain sal dhigeedu yahay ee Don Balon ayaa lagu shaaciyay in madax waynaha kooxda Real Madrid ee Florentino Perez uu telefoon ka wacay Eden Hazard intii lagu jiray 24 kii saacadood ee ugu danbeeyay.

Waxaa warbixintan lagu cadeeyay in Eden Hazard ay ka go’antahay in aanu Chelsea baaqi ku sii ahaan isla markaana uu doonayo in uu uga baxo sida ugu deg dega badan ee ugu suurtogalsan waxaana sidoo kale warbixintan lagu xusay in Eden Hazard uu go’aankiisa dareensiiyay Florentino Perez.

Real Madrid ayaa waqti dheer doonaysay saxiixa Eden Hazard laakiin maamulka Perez oo xagaagii hore Chelsea si sahlan kaga qaatay goolhaye Courtois oo galay sanadkii heshiiskiisa Chelsea ugu danbeeyay ayaa markale doonaya in ay Stamford Bridge duqeeyaan.

Maamulka Chelsea ayay ku adkaan doontaa in ay Eden Hazard sii haysan karaan kadib markii uu ay waqti dheer ku soo fashilmeen in ay heshiis cusub oo waqti dheer ah ka saxiixdaan, waxayna hadda wajahayaan isla qaabkii ay Courtois ku lumiyeen xagaagii la soo dhaafay.

Si kastaba ha ahaatee, Eden Hazard ayaa diyaar u ah in uu ka huleelo Stamford Bridge waxaana saamayn xun ku yeeshay natiijo xumada kooxdiisa gaar ahaan kulamadii Bournemouth iyo Man City oo si xidhiidh ah kulamadii martida ahaa looga soo dhaliyay afar gool ama ka badan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here