Miyuu Denis Suarez Ku Bilaaban Doonaa Shaxda Arsena Kulanka City? Emery Ayaa Ka Jawaabay

Tababaraha kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaa ka hadlay saxiixiisa cusub Denis Suarez kaas oo kaga soo biiray kooxda Barcelona suuqii January ee xalay xidhmay.

Unai Emery ayaan meesha ka saarin in uu Denis Suarez ku soo bilaabi doono kulanka ay Arsenal Axada la ciyaari doonto kooxda Man City.

Kooxda Man City ayaa marti galin doonta kooxda Arsenal kulan ka tirsan todobaadkii 25-aad ee horyaalka premier Leagu.

Markii wax laga waydiiyay suurtagalnimada uu Suarez uga qayb gali karo kulanka ayuu yidhi”Waxa aan ka fikirayaa dhamaan xiddigaha kooxda hadii aan ku bilaabo suarez kulankaas waan ku kalsoonahay”.

“Waan garanayaa xiddiga waxa uu ka qayb qaatay tababarkii shalay waxana uu si fiican u qaatay tababarka wuuna na caawin karaa”.

“Waxa uu si fiican u garanayaa Luuqada English-ka sidaas darteed waa arin noo muhiim ah anaga”

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here