Miyey kooxda Arsenal wadahadal heshiis kordhin ah la fureysaa Danny Welbeck?… (Macallin Unai Emery oo ka jawaabay)

Macallin Unai Emery ayaa daboolka ka qaaday in Arsenal ay qorsheynayso inay heshiis cusub ku abaal-mariso ciyaaryahankeeda Danny Welbeck.

Gunners ayaa sida tababaruhu sheegay doonaysa inay heshiis cusub ka saxiixato Welbeck ka hor dhammaadka xilli ciyaareedkan, kaddib markii uu weeraryahankan dib ugu soo laabtay tababarka.

28-sano jirkaan ayaa ka jabay canqowga midig bishii November intii lagu guda jiray kulankii ay barbaraha la galeen Sporting Lisbon ee Europa League.

Inkastoo aysan u badnayn inuu dib garoomada ugu soo laabto xilli ciyaareedkan haddana macallin Emery ayaa soo jeediyey inuu horumar sameynayo.

Unai Emery waxa uu sheegay inkastoo uu weerarkiisa ku haysto Alexandre Lacazette iyo Pierre-Emerick Aubameyang ay weli doonayaan inay kooxda ku sii haystaan Welbeck oo ay la furi doonaan wadahadal heshiis kordhin ah.

Macallinka reer Spain kaasoo kooxdiisa Gunners ay Isniinta berri ah la ciyaari doonto Naadiga Newcastle ayaa sheegay in koox walba oo Ingiriis ah ay u baahan yahay ciyaartoy Ingiriis ah sidaas darteed heshiis cusub ay ka saxiixan doonaan Welbeck.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here