Miyey kooxda Arsenal si joogto ah ula wareegaysaa laacibka Barcelona ee Denis Suarez?

0

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Barcelona, Denis Suarez ayaa la soo warinayaa inuu ku guuldarreystay inuu qaab ciyaareed wanaagsan ku yeesho intii uu amaahda ku joogay Arsenal.

Gunners ayaa si aad ah u shaqeynaysay intii lagu jiray suuqa bishii Janaayo si ay u helaan heshiis amaah ah ee laacibkan, iyadoo la la xiriirinayo inay si joogto ah ula wareegaan xiddigan, macallin Unai Emery ayaana hore ula soo shaqeeyay ciyaaryahankan mudadii uu joogay kooxda Sevilla.

Si kastaba, Jariiradda The Sun ayaa warinaysa in kooxda Arsenal ay diyaar u tahay inay Suarez ay dib ugu celiso garoonka Camp Nou dhammaadka xilli ciyaareedkan, iyadoo 25-sano jirkaan uusan weli safka hore ugu soo bilaaban kooxda ka dheesha horyaalka Premier League.

Suarez ayaa ciyaaray kaliya 95’daqiiqo isagoo lix kulan ka soo kacay kursiga keydka, ciyaartoyda kale ayaana laga door-bidayaa haatan xiddiga heerka caalami ee dalka Spain.

Arsenal ayaa dooq u haysata inay Suarez ku wada iibsato adduun dhan 18 milyan oo gini, laakiin kooxda reer London ayey u badan tahay inay door-bidi doonto inay lacagtaas kula soo wareegto bedelkiisa.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here