Mike Phelan Oo Shaaciyay Waqtiga La Filayo In Maamulka Man United Ay Ole Gunnar Solskjaer Si Rasmi Ah Ugu Magacaabi Doonaan Shaqada Old Trafford.

0

Maamulka Manchester United ayaa la filayaa in shaqada kooxda kowaad ee Old Trafford ay si rasmi ah ugu magacaabi doonaan tababare Ole Gunnar Solskjaer kadib markii uu shaqo cajiib ah soo qabtay tan iyo markii uu bishii December 2018 shaqada si ku meel gaadh ah u soo hayay.

Caawiyihii Sir Alex Ferguson ee Mike Phelan ayaa loo arkaa in uu door muhiim ah ka ciyaarayo in Ole Gunnar Solskjaer uu ku guulaysato shaqada tababaranimo ee Manchester United wuxuuna  kadib markii uu khibradiisa ku caawiyay isla markaana uu si waayeelnimo ah ula shaqeeyay.

Laakiin Mike Phelan oo hadda ah tababare ku xigeenka Ole Gunnar ayaa shaaciyay waqtiga la filayo in maamulka Man United ay shaqada si rasmi ah ugu magacaabi doonaan Ole Gunnar Solskjaer.

Caawiyaha Ole Gunnar ee Mike Phelan ayaa yidhi:”Waxa dhici doona xili ciyaareedka soo socdaa waxa uu ku xidhanan doonaa xaalada United. Go’aanadan waxaa ugu dhawaan la samayn doonaa inta uu xili ciyaareedku fasaxa ku jiro”.

Hadalka Mike Phelan ayaa loo fahmay in uu yahay mid uu ku shaaciyay in dhawaan Ole Gunnar si rasmi ah loogu magacaabi doono shaqada rasmiga ah ee tababaranimo. Hadlkan ayaa loo qaatay in uu la micno yahay in Ole shaqada loo magacaabi doono inta kulamada caalamiga ah lagu jiro ee uu xili ciyaareedka Premier League fasaxa ku jiro.

Laakiin Mike Phelan ayaa sheegay in isaga iyo Ole Gunnar Solskjaer ay wali yihiin ku meel gaadh balse oo ilaa hadda la samayn go’aan rasmi ah wuxuuna yidhi: “Anagu waqti xaadirkan wali nahay ku meel gaadh, go’aamo wali lama samayn wax heshiiska rasmiga ah”.

Ole Gunnar Solskjaer iyo ku xigeenkiisa Mike Phelan ayaa la filayaa in ay si rasmi ah u heli doonaan shaqada Old Trafford isla markaana ay xili ciyaareedka cusub iskugu diyaarin doonaan saxiixyada ay kooxda ku soo xoojin doonaan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here