Michael Owen: Guushii Dirqiga Ahayd Ee Liverpool Ka Gaadhay Brighton Waxa Ay Dhibaysaa Man City

Xiddigii hore ee kooxda Liverpool ee Michael Owen ayaa ka hadlay guushii dirqiga ahayd ee ay Liverpool ka gaadhay Brighton kulan ka tirsanaa todobaadkii 22-aad ee premier league.

Reds ayaa guul diriq ah ka gaadhay kooxda Brighton kulan ay uga badisay 1/0 uu u dhaliyay xiddiga Mohamed Salah Salah oo rikoodhe dhaliyay qaybtii dambe ee ciyaarta.

Liverpool ayaa ku soo laabatay wadada guulaha kadib markii ay laba guuldaro oo xiriir ah kala kulantay kooxaha Man City oo Kulan premier League ahaa iyo Wolves oo FA Cup-ka ahaa.

Kooxda Jurgen Klopp ayaa haatan todoba dhibcood si ku meel gaadh ah uga horaysa kooxda ku xigta ee Man City oo ciyaari doonta maalinta Isniinta.

Michael Owen ayaa sheegay in guusha dirqiga ah ee ay Liverpool ka gaadhay Brighton in ay dhibayso kooxda Man City iyo Pep Guardiola.

“Marka ay Man Cit aragto Liverpool oo ku badisay 4 ama 5 gool, Hagaag way badiyeen, Laakiin marka ay arkaan in ay Liverpool ku badisay 1/0 run ahaantii waxa ay dhibaysaa Man City”.

“Waxan u malaynayaa in ay daawan doonaan kulanka iyaga oo ku rajo weyn in la qabto laakiin marka ay 1/0 ku badiso way dhibaysaa Man City”ayuu sii raaciyay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here