Michael Essien Oo Wal-Wal Ka Muujiyay In Ay Barcelona Suuqa January U Dhaqaaqi Doonto Xiddig U Ciyaara Chelsea & Waliba Sababta

0

Xiddigii hore ee kooxda Chelse Michael Essein ayaa ka cabsi qaba in ay Barcelona suuqa Janaury u soo dhaqaaqi doonto xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda chelsea ee Andreas Christense hadii uu xiddigu ka sii maqnaado ciyaarista kooxda.

Daafaca reer Denmark ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo qaatay kooxda chelsea xilli ciyaareedkii hore isaga o kalsooni ka helay tababare Antonio Conte kadib markii uu amaah ku qaatay kooxda Borussia Mönchengladbach.

Laakiin Imaatinkii Maurizio Sarri ayaa badalay qaabka kooxda iyada ay xiddiga haatan ka horeeyaan xiddigaha Antonio Rudiger iyo David Luiz kuwaas oo ah dookha Sarri.

Christense ayaan wali kulan premier League au ciyaarin xilli ciyaareedkan xilli uu Sarri sheegay in uu doonayo in uu 22 jirku sii joogo kooxda, xiddigii hore ee chelsea ee Essein ayaa aaminsan in hadii uu xiddigu kaydka sii fadhiyo Barcelona ku dhiiri galin doonto in ay xiiso u u muujiso xiddiga una dhaqaaqdo suuqa January.

“Xiddig walba waxa uu doonayaa in uu ciyaaro”ayuu yidhi.

“Chelsea ma ahan meel si fudud loogu ciyaaro tartanka boosaskuna waa mid adag”.

“Ugu dambayn xiddigaha oo dhan si adag ayay tababarka u qaadan laakiin tababaraha ayaa ah midka dooran doona xiddigaha ciyaari doona”.

“Marka aanad ciyaarayn waan niyad jabaysaa waxana aad raadinaysaa meel kale oo aad ka ciyaarto”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here