Michael Ballack oo ka hadlay kulanka xiisaha badan ee dhex mari doona kooxaha Liverpool iyo Bayern Munich

Halyeeygii hore kooxaha Bayern Munich iyo Chelsea ee Michael Ballack ayaa ka hadlay sida uu kaga careysan yahay guuldaradii 3-0 ahayd ee kooxda Borussia Dortmund kasoo gaartay Tottenham Hotspur, kulankii Champions League ay ku wada ciyaareen Arbacadii lasoo dhaafay.

Michael Ballack ayaa wereysi uu ku bixiyay shabakada “Sky Sports” ku sheegay:

“Ma jiro layaab sidaas u weyn ee ku aadan guuldaradii Borussia Dortmund, kaliya waxaa lagu xaqiijiyay in horyaalka Premier League uu in badan ka fiican yahay Bundesliga”.

“England waxay heystaan ciyaartoyda ugu fiican aduunka, waxaa halkaas jira lacago badan”.

Intaas kadib wuxuu ka hadlay halyeeyga Michael Ballack kulanka adag ee talaadada soo aadan ku dhex mari doona kooxaha Bayern Munich iyo Liverpool lugta hore wareega 16-ka tartanka Champions League wuxuuna yiri:

“Bayern Munich waxay wali awoodaa inay wali garaacdo koox kasta ee aduunka ah, sababtoo ah waxay heysataa ciyartooy tayo iyo khibrad sare leh”.

Si kastaba ha ahaatee Michael Ballack ayaa uga digay ciyaartoyda Bayern Munich awooda ciyaareed ay xiligan ku raaxeysaneyso kooxda Liverpool wuxuuna yiri:

“Waqtigan, Liverpool waxay ka fiican tahay qof walba, marka loo fiiriyo qaabka ay u ciyaarayaan”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here