Mesut Ozil Oo Ugu Dambayn Ka Aar Gutay Kuna Digtay Jesse Lingard Kadib Guushii Arsenal Ka Gaadhay Man United

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Arsenal ee Mesut Ozil ayaa markiisa ku digtay xiddiga kooxda Man United ee Jesse Lingard kadib markii ay Arsenal garaacday Man United.

Kooxda Unai Emery ayaa guul 2/0 ah ka gaadhay kooxda Man United iyaga oo kala wareegay kaalinta 4-aad ee kala saraynta premier League.

Goolal ay dhaliyeen Granit Xhaka iyo Pierre-Emerick Aubameyang ayaa Gunners ku hogaamiyay guul ay u qalmeen iyaga oo sii nooleeyay rajadooda kaalinta 4-aad.

United ayaa Arsenal ku garaacday garoonka Emirates kulan FA Cup-ka ahaa waxana uu Jesse Lingard taageerayaasha Arsenal kaga xanaajiyay hadal uu yidhi kadib ciyaartaas kadib markii u gool dhaliyay.

Xiddiga reer England oo u jaasay qaabka Fanaanka Milly Rock ayaa garoonka Emirates ku tilmaamay goobtiisa qoob ka ciyaarka ama jaaska kadib markii uu gool ka dhaliyay laakiin Ozil ayaa ugu dambayn u jawaabay xalay.

Ozil ayaa bogiisa Twitter-ka ku soo qoray” Goobtaada Qoob ka ciyaarka, Huh!? Qaab ciyaareed cajiib ah, Natiijo fiican, Mahadsanid taageerayaasha Emirates, waan ku faraxsanahay in aan ahaado Gunner”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here