Mesut Ozil Oo Kashifay Sababtii Uu Ku Seegay Kulankii Fulham Ee Salaasadii

0

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Arsenal ee Mesut Ozil ayaa kashifay sababtii uu ku seegay kulnakii Salaasadii ay kooxda Arsenal guusha weyn ka gaadhay Fulham kulan ka tirsanaa premier League.

Xiddiga reer Germany ayaa sheegay in uu wali ku dhibaatoonayo dhaawacii jilibka ahaa taasna sabab u noqotay in uu seego kulankii Fulham.

Ozil ayaa sidoo kale dhaawac ku seegay kulankii Liverpool ee ay Arsenal guul darada weyn ka soo gaadhay kooxda Liverpool.

Xiddiga 30 jirka ah oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Bilow Fiican oo sanadka 2019 ah, Hamblayo, inkasta oo ay igu adkayd in aan garoonka joogo sabab la xidhiidha dhaawac jilibka ah hadana waxa shaki la,aan ah in aan doonayo in aan caawiyo kooxda garoomadana ku soo laabto sida ugu dhakhsaha badan”.

Ozil oo ah xiddiga ugu mushaharka badan kooxda ayaa si weyn ula kulmay dhaleecayn xoogan tan ilaa markii uu Unai Emery kooxda tababaraha u noqday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here