Mesut Ozil Oo Farriin U Diray Tababare Unai Emery Xilli Wararka Mustaqbalkiisa La Xariira Cirka Isku Sii Shareereen.

0

Kubad sameeyaha kooxda Arsenal ee Mesut Ozil ayaa la filayaa in shaxda kooxdaas uu ku soo laabto marka ay maabnta ka hor tagayaan kooxda Burnley oo ay wada leeyihiin kullan ka tirsan wareegga 18-aad ee horyaalka Ingiriiska.

Laacibka ayaa ku adkeeystay in jawi wacan uu ku jiro niyaddana u wanaagsan tahay waqtigaan la joogo ka dib warar kala duwan oo saxaafadda hareeyay.

Wiilkaas dhalashada Jarmalka haysta ayaa la badalay kulankii Arsenal ee guul daradda 3/2 ay kala kulmeen kooxda South Hampton xilli sidoo kale uu gabi ahaan ka maqnaa kulankii arbacadda ee Tottenham ee kooxdaas looga reebay EFL Cup-ka .

Arimahaan ayaa imaanaya xilli macalinka Arsenal ay u furan tahay lagana yaabo in Ozil uu iibiyo bisha dambe xilli saxaafadda-na ay ku adkeysanayaan in Arsenal xitaa ay dhageysanayaan dalabyada amaah ee lagu soo raadsan karo Ozil .

Waxaa xusid mudan in Ozil uu bishii Febuary uu saxiixay hsihiis waqti fog ah balse 29 sano jirkaan ayaa muuqda mid ka huleelaya Arsenal xilli kooxdiisa hore Real Madrid-na lala xariirinayo .

Laacibkaas 29 sano jirka ah ayaa bartiisa Instagram-ka uga faa`ideystay in uu ugu gacan haatiyo in uu safanayo kulanka maanta ee Burnley .

Waxa uu so qoray” tababarkii todobaadka waa uu dhamaaday , aan dib ugu laabanno waddii guusha , niyadda waa ay wanaagsan tahay M10, Yaa Gunners”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here