Memphis Depay Oo Ka Hadlay Xiisaha Liverpool U Qabto Adeegiisa

Xiddiga garabka weerarka uga ciyaara kooxda Lyon ee Memphis Depay ayaa ka hadlay wararka la xiriirinaya kooxda Liverpool kuwaas oo doonaya adeegiisa marka la gaadho suuqa xagaaga.

Xiddiga reer Holland ee Memphis Depay ayaa lala xiriirinayaa kooxda Liverpool kuwaas oo doonaya in ay ku buuxiyaan booska Sadio Mane kaas oo lala xiriirinayo kooxda Real Madrid.

Memphis Depay ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in lala xiriirinayo kooxda Liverpool waliba diyaar u yahay in uu ku biiro Reds hadii ay dalab Rasmi ah ka gudbiso adeegiisa.

Wargayska L’Equipe ayaa sheegaya in uu xiddigii hore ee Man United diyaar u yahay in uu ku biiro kooxda Liverpool hadii ay dalab Rasmi ah miiska u saarto kooxda Lyon dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Memphis Depay ayaa kooxda Man United kaga biiray Lyon 16 milyan oo euro laakiin kooxda reer France ayaa doonaysa in ay xiddiga ku iibiso lacag dhan 30 milyan oo euro.

25 jirka reer Holland ayaa kooxda Lyon kula jira heshiis ilaa xagaaga 2021 ah kaas oo uu u saxiixay Markii uu Man United kaga soo biiray kadib markii ay ku fashilmay in uu iska muujiyo.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here