Mehdi Benatia Oo Sheegay In Ay Diinta Islaam-ku Sabab U Ahayd In Uu Iska Diido Man United, Qaab Noocee Ah?

0

Daafacii hore ee kooxda Juventus Mehdi Benatia ayaa shaaca ka qaaday sababtii uu isaga diiday in uu ku biiro kooxda Ma United.

Mehdi Benatia ayaa sheegay in uu isaga diiday Man United sabab la xidhiidha in uu doonayo in ay caruurtiisu ku bar-baarto wadan diinta Islaam-ka lagu dhaqmo.

31 jirak reer Morocco ayaa ku biiray kooxda ka ciyaarta horyaalka Qatar ee Al Duhail suuqii Janaury isaga oo 8 milyan ugu biiray.

Laakiin ka hor inta uuna ku biirin kooxdaas United ayaa dalab ka gudbisay xiddiga iyaga oo doonayay in ay la soo saxiixdaan waliba diyaar ula haa mushahar dhan 4 milyan oo euro sanadkii.

Mehdi Benatia ayaa sheegay in uu dhaleecayn kala kulmay dalkiisa kadib markii uu ku biiray kooxda ka ciyaarta horyaalka Qatar laakiin uu sameeyay go,aanka saxda ah.

“Waxa aan dhaleecayn kala kulmay dadka ku nool Morocco kadib markii aan ku soo biiray kooxda reer Qatar laakiin waxa aan doonayaa in uu qof walba qadariyo go,aankayga sababta oo waxa uu ahaa midkii ugu fiicnaa aniga iyo qoyskayga”.

“Waxa aan doonayay in ay caruurtaygu ku bar-baarto wadan looga dhaqmo diinta Islaam-ka”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here