Medhi Benatia Oo Iska Diiday In Uu Ku Biiro Man United, Koox Kale Ayuu Ka Doortay

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Juventus ee Medhi Benatia ayaa lagu soo waramayaa in uu iska diiday kadib markii ay xalay isku dayday in ay la saxiixato isaga oo u sheegay in uu ku biirayo kooxda ka ciyaarta horyaalka Qatar ee Al-Duhail.

31 jirka reer Morocco ayaa loo sheegay in uu isaga tago kooxda Juventus maadama uuna boos joogto ah ka haysan xilli ciyaareedkan.

Waxa jiray kooxo waaweyn oo reer yurub ah oo doonayay adeega xiddiga kana mid ahaayeen Man United Olympique Marseille & Milan.

Ilo wareedyo badan ayaa sheegaya in uu xiddigu heshiis 3 sano ah u saxiixay kooxda reer Qatar ee Al-Duhail kaas oo uu sanadkii 5 milyan ku qaadanayo sanadkii.

Juventus ayaa xiddiga ku iibin doonta lacag dhan 10 milyan oo euro isaga oo sidaas ugu biiri doona kooxda horyaalka Qatar.

Man United ayaa xiddigan u doonaysay in ay ku xoojiso daafaca kooxda iyada oo xitaa u balan qaaday lacag ka badan mida uu ka heli doono kooxda reer Qatar laakiin xiddiga aya iska diiday arintaas.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here