“Mbappé wuxuu diyaar u yahay inuu u dhaqaaqo Real Madrid” Mid ka mid ah halyeeyada kooxda Arsenal

Halyeeygii hore xulka qaranka France iyo kooxda Arsenal ee Robert Pires ayaa xaqiijiyay in xidiga ay isku dalka kasoo wada jeedaan Kylian Mbappé uu noqon doono ciyaaryahan ka tirsan safka kooxda Real Madrid fursada ugu horeysa.

Wargeyska caanka ah “Mundo Deportivo” ee dalka Spain ayaa daabacay wareysi ku aadan arintan uu bixiyay halyeeyga kooxda Gunners ee Robert Pires, wuxuuna yiri:8

“Waxaan qabaa in Kylian Mbappé uu diyaar u yahay inuu u dhaqaaqo kooxda Real Madrid, kadib markii uu noqday xidig in ku filan hogaamin kara Los Blancos”.

“Waa ciyaaryahan aad u wanaagsan ee leh awood iyo farsamo sare, inkastoo uu weli da’ayar yahay, hadii uusan sanadkan u dhaqaaqin Real Madrid, waxaan ku arki doonaa halkaas sanadka xiga, waana hubaa inay sidaas dhici doonto”.

“Mbappé waa ciyaaryahan aad u caqli badan, wuu ogyahay waxa uu doonayo ee qeseeya mustaqbalkiisa, PSG wuxuu ka sameenayaa qaab ciyaareed fiican, wuxuuna dhaliyaa goolal badan”.

Si kastaba waxaa jiray warar xan ah ee ku aadan in warbaahinta Spain ay shaacisay in Real Madrid uu hogaaminayo madaxweynaheeda Florentino Perez ay doonayaan in Kylian Mbappé ay kula soo saxiixdaan qiimo dhan 280 milyan euro ah, inta lagu jiro suuqa kala iibsiga ee xagaaga soo socda.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here