“Mbappe Waxa Uu U Ciyaari Doonaa Real Madrid”:Qaraabada Kylian Mbappe Oo Dabka Ku Shiday Wararka Da,yarka La Xiriirinaya Real Madrid

Ka hadhistii Paris Saint-Germain ee tartanka champions League ayay si weyn ula yaabeen Xiddiga Kylian Mbappe iyo qaraamadiisa kuwaas oo rumaysan in uu da,yarku u ciyaari doono Real Madrid.

Wararka Neymar iyo Kylian Mbappe la xiriirinaya kooxda Real Madrid ayaa sii xoogaystay tan ilaa markii uu Zinedine Zidane ku soo laabtay kooxda xilli uu madaxweynaha ee Florentino Perez caado ka dhigtay in uu bartilmaameedsado labada xiddig sanadihii ugu dambeeyay.

Si kasta ha ahataee kooxda PSG ayaa wax walba u samayn doonta sidii ay u sii haysan lahaayeen labada xiddig wax walba oo ay ku qaadato.

Laakiin sida laga soo xigtay qaraabada Kylian Mbappe Arimaha ayaa laga yaabaa in ay ka baxaan faraxa kooxda PSG.

“Hadii aan tago Real Madrid aniga oo jira 17 jir, maxaan samayn doonaa marka aan gaadho 23 jir”ayuu sheegay.

“Waxa aan arkaa in uu Kylian Mbappe u ciyaari doono Real Madrid”

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here