Mbappe Oo Varane & Griezmann Ku Garaacay Xiddiga Ugu Fiican France Ee Sanadka 2018

Kadib markii uu xulka qaranka France ku guulaystay koobkii adduunka waxa jirtay tartan adag oo loogu jiray xiddiga ugu fiican France ee sanadka 2018.

Xiddigaha Kylian Mbappe, Raphael Varane & Antoine Griezmann ayaa dhamaantood loo arkay qaar fure u ah xulka qaranka France markii ay ku guulaysanayeen koobka adduunka laakiin kaliya hal xiddig ayaa ku guulaysan kara xiddiga ugu fiican France sanadka 2018.

Ugu dambayn Majalada France Football ayaa xiddiga da,yarka ah ee Kylain Mbappe u doortay xiddigii ugu fiicnaa France ee sanadka 2018 kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay.

Da,yarkan ayaa xulkiisa iyo waliba kooxdiisa PSG kula guulaystay koobab isaga oo soo qaatay mid ka mid ah sanadihiisii ugu fiicnaa ilaa haatan xirfadiisa kubada cagta.

20 jirkan ayaa sidoo kale kaalinta 4-aad ka galay tartanka xiddiga ugu fiican abaalmarinta Ballon d’Or-ka isaga oo sidoo kale ku guulaystay da,yarka ugu fiican ee Kopa Aword.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here