Maxuu Ramos Ka Yiri Dhacadadii Isaga Iyo Messi Dhex Martay , Rajada Real Ee Horyaal-kana Wuu Ka Hadlay

Kabtanka kooxda Real Madrid ee Ramos ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay guul daradii ay kala kulmeen Barcelona oo marti ugu aheyd kulan ka tirsanaa wareegga 26-aad ee La Ligaha

Hal gool oo nadiif ah ayaa Real lagu garaacay kaasi oo yimid daqiiqadii 26-aad ee qeybta hore waxaana saxiixay Ivan Rakitic

” Dhib weyn ayay nagu tahay natiijadaan balse waxaa qasab nagu ah in aan iska iloowno waxii dhacay , waxaa nagu qasab ah in aan Barca ugu hambaleyayno heer ciyaareedkooda”

“Waxaa nagu qasab ah in aan sii wadno loolanka horyaalka waayo weli kulamo badan ayaa inoo haray, sidoo kale-na waxaan u halgameynaa in aan qaadno Champion-ka”.

Mar wax laga weydiiyay waxii dhex maray isaga iyo Messi ayuu Ramos yiri” kaliya waxa ina dhex maray is buurasho kubadeed oo caadi iska ah”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here