Maxay Taageerayaasha Liverpool Ka Dareemeen Philippe Coutinho Kulankii Real Madrid

Philippe Coutinho ayaa mar kale soo bandhigay qaab ciyaareed aad u liita Arabacdii kulankii El Clasico ee ay bar-baraha ku kala bexeen kooxaha Real Madrid iyo Barcelona.

Real Madrid ayaa garoonka ka baxday iyaga oo faraxsan maadama ay bar-baro kala bexeen Camp Nou lugta 1-aad ee tartanka Copa Del Rey-ga.

Laakiin Philippe Coutinho ayaa mar kale soo bandhigay qaab ciyaareed xun isaga oo dhaleecayn xoogan kala kulmay taageerayaasha Barcelona.

Xiddiga reer Brazil ayaa ku biiray Barcelona suuqii January 2018 isaga oo loo keenay kooxda Badalka Andres Iniesta laakiin waxa daqiiqadii 63-aad lagu badalay Lionel Messi oo dhaawac ku ciyaaray.

Taageerayaasha Liverpool ayaa ka mid ahaa kuwii sida weyn ula yaabay qaab ciyaareedka liita ee xiddiga iyada oo ay sheegeen in uuna Ahayn xiddigii joogay Anfield.

Taageere ayaa twitter-ka ku qoray” Maan sheegin laakiin waxa u muuqataa in uu Coutinho ku dhex lumay Barca, uma muuqdo xiddigii fiicnaa ee markii uu joogay Liverpool”.

Mid kale ayaa ku daray” Inkasta oo uu ahaa xiddiga aan ugu jecelahay, waxa aan mar walba ka shaki qabay in uuna Coutinho ahayn xiddig leh tayo weyn oo fiican”.

“Laakiin Barca ayaa ka bixisay 160 milyan si ay u xaqiijiso shakigayga, ma lahan awooda uu leeyahay xiddig heer sare ah”.

Taageere kale ayaa yidhi”Waxa uu ahaa xiddigii ugu fiicnaa ee premier League laakiin haatan waxa uu noqday xiddiga ugu xun Garoonka”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here