Halyeeyga kooxda Arsemal ee David Seaman ayaa kooxdiisii hore u sheegay in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddigii hore ee kooxda Man United ee Cristiano Ronaldo.

Cristiano Ronaldo ayaa haatan bilaa koox ah kadib markii ay Man United Kansashay heshiiskii uu kula jiray kooxda.

Isagoo la hadlaya TalkTV Halyeeyga kooxda Arsenal David Seaman ayaa yiri: “Ronaldo aad ayuu uga fog yahay, in uu ka dhamaaday premier League, waxana uu shaqo fiican ka qaban Karaa Arsenal”.

Ronaldo ayaa dhinaciisa la dhacsan kooxda Arsenal iyo Shaqada uu Mikel Arteta ka hayo kooxda xilli ciyaareedkan waxana uu xitaa ku taageeray xilli ciyaareedkan in ay ku guulaysato horyaalka premier League.

Waxa xusid mudan in uu Ronaldo aad ugu dhawaaday ku biirista Arsenal ka hor intii uuna ku biirin Man United bilowgii xirfadiisa ciyaareed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here