Maxay Ahayd Sababtii Ay Maamulka Man City U Raali Galiyeen Dhigooda Chelsea Kadib Ceebtii 6/0

0

Madaxda kooxda Man City ayaa raali galin siiyay dhigooda Chelsea kadib guushii weynayd ee ay City ka gaadhay Blues.

Madaxda Man City ayaa ka raali galiyay City kadib markii ay heesta ‘One Step Beyond’ shiteen xiddigaha Man City kadib guushii 6/0 ahayd ee ay ka gaadhay Chelsea.

Sergio Aguero ayaa dhaliyay saddexleydiisii 11-aad ee premier League xilli ay wiilasha pep Guardiola ku soo laabteen hogaanka premier League.

Ciyaarta kadib xiddigaha Man City ayaa qolka Labiska si waali ah ugu dabaal degay iyaga oo waliba shitay hees aad u cod dheer.

Si kasta ha ahaatee Heesta ayaa ahayd mid ay kooxda chelsea ku shidato garoonka Stamford Bridge marka ay guusha ku gaadhaan garoonkooda.

Taas ayaa keentay in ay maamulka City amraan in la joojiyo heesta iyaga oo waliba raali galin u raaciyay madaxda kooxda chelsea.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here