Maxaa Qaldan? Xulka Dal Aan La Aqoonsanayn Oo Ceeb U Soo Jiiday Argentina Iyo Venezuela Oo Kadib Guushii Argentina Waji Gabax Kala Kulantay Catalonia.

Jimcihii la soo dhaafay waxay xulka qaranka Venezuela u ahayd farxad wayn kadib markii ay guuldaro 3-1 ah badeen xulka qaranka Argentina oo uu xataa Lionel  Messi qayb ka ahaa kulankii ka qabsoomay garoonka Atletico Madrid laakiinVenezuela ayaa cirka ka soo dhacday waxayna soo taabteen dhulka kadib markii ay xulka aan dalkiisa la aqoonsanayn ee Catalonia ay waji gabax kala kulmeen.

Xulka qaranka gobolka gooni isku taagiisa ku dhawaaqay ee Catalonia ayaa FIFA u muujiyay in ay yihiin kuwo aan indhaha laga qarsan karin kadib markii ay guuldaro 2-1 ah badeen xulka qaranka Venezuela ee sida aan soo sheegnay jimcihii guuldaraada wayn baday Argentina.

Inkasta oo uu Xavi Hernandez waajibaadka kooxdiisa Al Sadd kaga baaqday in uu ciyaaro kulankii Catalonia iyo Venezuela, haddana ciyaartoydii loo soo xushay kulankan ayaa sabab u noqday in ay gaadheen guul taariikhi ah.

Gerard Pique ayaa ka soo baxay shaqo ka fadhiisigii kulamada caalamiga ahaa wuxuuna ka soo muuqday xulka gobolkiisa uu madax banaanidiisa u ololeeyo ee Catalonia waxayna isaga iyo xidigihii kale ee saftay sabab u noqdeen in Catalonia ay dhulka dhigatay Venezuela.

Kulankan ayaa ka dhacay garoonka kooxda FC Girona ee Estadi Montilivi waxaana gookla furitaanka Catalonia u dhaliyay xidigii hore ee kooxda Barcelona ee Bojan Krkic oo hadda ka tirsan kooxda heerka labaad ee England ee Stoke City.

Laakiin lix daqiiqo kadib jamaahiirta xulka qaranka Venezuela ayaa dabaal deg waali ah sameeyay kadib markii uu difaaca kooxda Espanyol ee Roberto Rosales uu xulkiisa Venezuela u dhaliyay goolka barbaraha wuxuuna u muuqday in uu yahay goolkii ciyaarta barbaro ku sii hayn lahaa.

Laakiin daqiiqadii 88 aad ee dhamaadkii ciyaarta xulka gobolka gooni isku taaga shaaciyay ee Catalonia ayaa qalbi jabiyay Venezuela kadib markii uu Javi Puado oo ka tirsan kooxda Espanyol uu noqday geesiga xulkiisa Catalonia taariikhda u sameeyay ee guushan ku hogaamiyay wuxuuna sidaa ciyaarta ka dhigay 2-1 ay Catalonia ku bahdishay xulkii Venezuela ee guusha ka soo gaadhay Argentina.

Waqti dheer ayaa la hadal hayn jiray in kooxda gobolka Catalonia ay tahay mid xul kasta oo aduunka ah guul ka gaadhi kartay gaar ahaan waqtiyadii ay xulka qaranka Spain ka caawinayeen koobabkii aduunka iyo Yurub ee ay Iniesta, Xavi Hernandez, Cesc Fabregas iyo xidigo badani ay halkii ugu fiicnayd ku jireen.

Si kastaba ha ahaaatee, Gerard Pique oo ka mid ah dadka sida wayn ugu ololeeya in gobolka Catalonia ay madax banaani rasmi ah ka qaataan Spain ayaa ku raaxaystay guushii ay xalay ka gaadheen Venezuela iyada oo da’yarka kooxdiisa Barcelona ee Riqui Puig uu isna qayb ka ahaa kulankan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here