Waxa si Rasmi ah daaha looga qaaday koobka adduunka Qatar 2022 iyada oo la ciyaaray kulankii furitaanka ee tartanka.

Xulka Qaranka Ecuador ayaa garaacday xulka Qatar ee martii galiyay tartanka koobka adduunka sanadkan.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa xaqiiqooyinka laga diwaan galiyay kulanka furitaanka koobka adduunka.

1.Xulka Qatar ayaa noqday xulkii ugu horeeyay ee guuldaro la kulma furitaanka koobka adduunka iyaga oo marti galiyay koobka.

2.Koobka adduunka 2022 ayaa noqday midkii ugu horeeyay ee rikoodhe laga dhaliyay goolka ugu horeeya ee tartanka kadib markii uu Enner Vallencia dhaliyay gool.

3.Qatar ayaa noqday kaliya xulkii 3-aad ee markii ugu horysay ciyaaray koobka adduunka iyaga oo marti galiyay tartanka kadib markii ay Uruguay sidaas samaysay 1930 iyo 1934.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here