Maxaa Kasoo Cusboonaaday Musiibada Dhaawac Ee Haleeshay Saddexleyda Weerar Ee Lionel Messi, Luis Suarez & Ousmane Dembele? Miyay Taam U Yihiin Kulanka Espanyol?

Kooxda Barcelona ayaa galaysa xaalad wareer ah oo dhinaca safka weerarka ah kaddib markii ay hal mar kusoo wada aadeen dhaawacyo hadheeyay xiddigaheeda booskaas joogtada ku ah ee Ousmane Dembele, Luis Suarez iyo Ousmane Dembele.

Messi ayuu dhaawac kusoo gaadhay kulankii xulkiisa Argentina uu la yeeshay dhigiisa Venezuela waxaana ay taasi sababtay inuu iskaga tago xulka si daawayn loogu sameeyo.

Haddaba, Waa sidee fursadiisa kulanka Espanyol ee Catalan Derby? Dhaawaca Leo ayaan ahayn mid aad u halis badan balse kooxdiisa ayaa markasta ka fogaan doonta inay halis geliso oo ay garoomada kusoo dedejiso iyadoo halka dhaawacu ka gaadhay uu dhawr jeer hore uga dhaawacmay.

Iyadoo ay sidaa tahay ayuu go’aanku ku adkaan doonaa tababare Valverde oo la filayo inuusan Messi ku xisaabtamin toddobaadkan si uu uga fogeeyo halista dhaawaca kale oo inta xilli ciyaareedka ka dhiman seejiya.

Dhinaca kale Suarez ayaa ku dhaawacmay kulankii ay guusha weyn dhawaan kasoo gaadheen Real Betis balse warka wanaagsan ayaa ah in dhaawaciisu sidii la filayay ka halis yar yahay isla markaana uu soo laaban karo kulanka Espanyol ee toddobaadkan.

Ugu dambayn, Xaalada Ousmane Dembele ayaan ahayn mid u wanaagsan sida Messi iyo Suarez waxaana hubaanti ah inuusan wax fursad ah u haysan kasoo muuqashada kulanka Espanyol kaddib dhaawacii jilibka ee kusoo gaadhay kulankii Lyon.

Si kastaba ha ahaatee, Tababare Valverde oo ka warqaba in kooxdiisu ay xilli ciyaareedkan fursad u haysato saddexleyda koobabka ah ayaa aad uga fiirsan doona dheelsiinta xiddigahaas kulanka Espanyol waxaana uu dookh u haystaa inuu kuwada ciyaaro Malcom, Boateng iyo Coutinho.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here