Maxaa Ka Soo Kordhay Xiisihii Zinedine Zidane Ee Pual Pogba? Wargays Spain Ka Soo Baxa Oo Boggiisa Hore Kaga Hadlay.

Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa si wayn u xiisaynaya in uu Santiago Bernabeu keeno xidiga xulkiisa France ee Pual Pogba kaas oo dhawaan cadeeyay in uu markasta jecel yahay in uu Real Madrid kaga hoos shaeeyo Zidane.

Pual Pogba ayaa u muuqday mid fariin u dirayay Zidane iyo maamulka Real Madrid kadib markii uu intii lagu jiray kulamadii caalamiga ahaa bixiyay waraysi uu ku sheegay in ay riyadiisa tahay in uu Zidane kaga hoos shaqeeyo Real Madrid laakiin haddaba Zidane ayaa wada qorshihii uu Pogba ku heli lahaa.

Wargayska Marca ee caasimada Madrid ee dalka Spain ka soo baxa ayaa maanta oo sabti ah waxa uu bogga hore ee wargayskiisa u hibeeyay sawirka Pual Pogba oo looga hadlay heshiiska uu Zidane ku doonayo.

Marca ayaa ciwaan far waa wayn ku sheegay: “Pogba wuu ku haboon yahay” Iyada oo lagu xusay in Zidane uu si wayn u doonayo in uu xidiga reer France keeno kooxdiisa Real Madrid.

Qoraalka bogga hore ee lagu sii sharaxay ciwaanka “Pogba wuu ku haboon yahay” ayaa lagu sii yidhi: “Zidane waxa uu doonayaa xagaagan samaynta u dhaqaaqista xidiga heerka caalami ee reer France iyada oo waliba uu soo fiicnaanayo xidhiidhka ay wakiilkisa Mino Raiola  la leeyihiin. Manchester United waxaa laga yaabaa in ay dagaal u gasho sidii ay isaga u sii haysan lahayd’.

Warar hore oo qoyska Pual Pogba laga helay ayaa sheegay in xidiga reer France aanu Man United uga bixi doonin koox aan ka ahayn Real Madrid ama Barcelona waxayna hadda u muuqataa in Zidane uu si buuxda u doonayo qaabkii uu Pogba ku heli lahaa.

Manchester United ayaa xiisaynaysa saxiixa Toni Kroos waxaana suurtogal noqon karta in Pogba uu badalka Kroos ee Madrid noqon karo halka Real Madrid ay Man United ku qancin karto in Kroos uu qayb ka noqdo heshiiska uu Pogba ugu soo biiri karo Madrid.

Warar badan ayaa sheegayay in Real Madrid ay u furan tahay in ay Toni Kroos iska iibiso dhamaadka xili ciyaareedkan waxaana lala xidhiidhinayay kooxaha PSG, Man City iyo Man Uited balse Man United ayaa noqon karta kooxda fursad ugu wayn heli karta haddii ay Real Madrid ogolaato in uu qayb ka noqdo isku daygooda Pogba.

Pual Pogba ayaa hadda waqti fiican ku qaadanaya Man United wuxuuna soo dhaweeyay in Ole Gunnar Solskjaer uu si rasmi ah ula wareegay shaqadii Man United balse wali waxa uu u riyoonayaa in uu Zidane kula shaqeeyo Madrid.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here