Maxaa Iska Bedelay Miiska Kala Sarreynta Gool Dhalinta Champions League Kaddib Kulamadii Toddobaadkan? Robert Lewandowski Oo Hoggaankii Lagala Wareegay.

Kulamo cajiib ah isla markaana intooda ugu badani ay fajac ahaayeen ayaa ka qabsoomay garoomada qaarada Yurub xalay iyo habeen hore kaddib guulo soo laabasho ah oo lama filaan ah oo ay gaadheen kooxahii hore looga soo adkaaday.

Kulamadii lugta hore ayaa kuwo farxadeed u ahaa PSG, Real Madrid, Tottenham iyo Roma balse kaliya Spurs ayaa farxadaas sii joogteeyay iyaga oo iska xaadiriyay wareeg xiga ee siddeed dhammaadka

Ajax ayaa guul soo laabasho ah oo xasuuq ah Bernabeu kaga gaadhay Real Madrid oo wakhti adag ku jirta, FC Porto ayaa dhinaceeda ka takhalustay Roma halka Man United oo ahayd mida lama filaanka ugu weyn samaysay ay guul 1-3 ah kaga gudbeen PSG.

Haddaba iyadoo ay kooxo badani soo damaashadeen waa kuwee ciyaartoyda dhinacooda kor usoo qaaday hammigooda noqoshada gool dhaliyaha ugu sarreeya ee Champions League xilli ciyaareedkan.

Dusan Tadic oo ah ninkii qabsaday Bernabeu habeen hore ayaa ah midka ugu fiican guud ahaan tartanka haatan waxaana uu leeyahay sagaal gool isagoo gool dhalinta kala wareegay Lewandowski oo siddeed gool leh.

Tadic ayaan kaliya ahayn hoggaanka gool dhalinta balse sidoo kale ah hoggaanka gool caawinta maadaama oo uu lix gool soo caawiyay sidaana kaga qayb qaatay 15 gool oo kooxdiisu ay ka dhalisay tartanka.

marka laga yimaado Tadic iyo Lewandowski ayuu soo raacaa Moussa Marega oo lix gool iyo laba caawimood leh lana siman Lionel Messi oo dhinaciisa hal gool caawiyay.

Intaa kaddib waxaa min shan gool leh ciyaartoyda kala ah Edin Dzeko, Neymar, Harry Kane & Paulo Dybala.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here