Maxa Iska Badalay Tartankii Loogu Jiray Boosaska Champions League Xilli Ciyaareedka Dambe Ee Premier League

Waxa aad ku fikiri kartaa in kooxaha u tartamaya booska champions League xilli ciyaareedka dambe in ay si maldahan u doorbidayaan in ay ka ciyaaraan Europa League xilli ciyaareedka dambe.

Dhamaan 4-ta kooxood ee u tartamaya booska loogu soo boxo champions League xilli ciyaareedka dambe ayaa ciyaaray todobaadkan laakiin 4-tooduba dhibco lumiyay.

Kooxda kaliya ee wax ka heshay kulanka ayaa ah chelsea kuwaas oo bar-baro niyad jab leh la gadhay kooxda Burnley halka ay saddexda kale guuldarooyin kala duwan la kulmeen.

Ugu horayn Tottenham ayaa guuldaro 1/0 ah kala kulantay Man City Sabtdii iyada oo goolka kaliya ee Citizen dhaliyay da,yarka Phil Foden.

Axadii Kooxaha Arsenal iyo Man United ayaa laba guuldaro oo lama filaan ah kala kulmay kooxaha Crystal Palace iyo Everton taas oo chelsea fursad u siisay in ay ku boodaan kaalinta 3-aad ee kala saraynta hadii ay guul gaadhi lahayd.

Laakiin Nasiib xumo chelsea ayaa ka faa,iidaysan wayday iyaga oo iyaguna bar-baro kala kulmay kooxda Burnley kuwaas oo ku qabsay in ay dhibic kaliya ka helaan kulanka.

Hadaba Kadib Markii ay kooxahaas oo dhan lumiyeen dhbico maxaa iska badalay tartanka loogu jiro boosaska champions league:

Kooxda Tottenham ayaa wali ku jirta kaalinta 3-aad iyaga oo leh 67 dhibcood laakiin kaliya farqiga goolasha ka dambaysa kooxda chelsea halka Arsenal leedahay 66 dhibcood iyo Man United oo leg 64 dhicbood.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here