Mauro Icardi Oo Diiday In Uu Tababar La Qaato Inter Milan

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Inter Milan ee Mauro Icardi ayaa lagu soo waramayaa in uu iska diiday in uu tababarka la qaato kooxda intooda kale sida ay sheegayaan wararku.

Sky Sport Italia ayaa sheegaya in uu xiddiga reer Argentine shaqaalaha tababarka caafimaadka iyo waliba tababare Luciano Spalletti u sheegay in uuna tababarka qaadan karin Isniinta.

Weeraryahanka ayaan kooxda Inter Milan u ciyaarin tan ilaa bishii February 13 kadib markii laga qaaday calaamada kabtanimada kooxda.

Inter Milan ayaan wax hadalk ah ka odhan wararkaas laakiin waxa ay xiddiga u ogolaadeen in uu tababar kaligiis ah qaato.

Si kasta ha ahaatee wararka ayaa sheegaya in ay kooxda Inter Milan wali doonayso in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga reer Argentine.

Icard ayaa si joogto ah loola xiriirinayaa in uu isaga tagayo kooxda iyada oo ay xiiso u qabaan kooxaha Man United, Chelsea, Real Madrid iyo Juventus.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here