Maurizio Sarri ” Wax Kama Qaban Karo Mustaqbalka Hazard, 100 Milyanna Waa Qiimo Jaban Marka Suuqa Loo Eego”.

0

Tababaraha kooxda Chelsea ee Sarri ayaa ka hadlay mustaqbalka kubad sameeyihiisa Hazard kaasi oo warar kala duwan hareeyeen mustaqbalkiisa kooxdaas xilli lala xariirinayo Real Madrid .

Hazard ayaa Chelsea ku hogaamiyay guul laba gool aheyd kulankii ay ku marti giliyeen West Ham xilligaas oo uu dhaliyay labadii gool ee ciyaarta .

BBC Sport ayuu Sarri ka yiri ” Hazard waxa uu soo bandhigay hanaan ciyaareed aan la aamini karin kulankaas West Ham ,waa sahal in aad badiso marka Hazard xaaladdiisa wacan tahay”.

Mar la weydiiyay mustaqbalka Hazard iyo wararka sheegaya in qiimihiisu uu gaaray 100 milyan oo gini ayuu macalinka yiri ” 100 milyan oo gini , dhab ahaan waa qiimo jaban waayo xilli ciyaareedyadii hore qiimo intaas ka badan ayaa suuqa lagula wareegay”.

“Waa adag tahay in aan helo xiddig la mid ah Hazard mana jirto wax aan ku sameyn karo mustaqbalkiisa kooxdana waa ay ila qabtaa arintaas balse haddii Hazard uu doonayo in uu soo sameeyo tijabao cusub waa adag tahay in halkaan lagu celiyo” ayuu Sarri sii raaciyay

Ugu dambeyn waxa uu macalinka hoosta ka xariiqay in uu tix gilinayo go`aanka Hazard , waxa uuna warkaan imaanayaa xilli si weyn loola xariinayo Real oo la xusayo in laacibka wadahadallo hoose ay la fureen

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here