Maurizio Sarri Vs Kepa Arrizabalaga: Qolka Labiska Chelsea Oo Ku Kala Qaybsan Dhacdadii Wembley.

Dhacdadii ka dhacday Wembley un dhexaysay goolhayaha kooxda Chelsea ee Kepa Arrizabalaga iyo Tababaraha Kooxda ee Maurizio Sarri ayaa lagu soo waramayaa in ay kala qaybisay qolka labiska kooxda.

Wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in goolhayaha oo lagu ganaaxay in uuna mushahar qaadan muddo todobaad ah ayaa ka xanaajiyay qaar ka mid ah xiddigaha kooxda kadib markii uu diiday in uu ogolaado go,aanka tababaraha.

Dhanka kale qaar kale oo ka mid ah kooxda ayaa taageeray dhaqanka xiddiga maadama uu doonayay in uu kooxda ku hogaamiyo koobka.

Taas ayaa keentay in uu qolka Labiska kooxda Chelsea u kala qaybsamo laba qaybood oo kala taageersan Goolhayaha Iyo tababaraha.

Wargayska ayaa sheegaya in goolhayaah Caballero oo gaar ahaan si xoog ah uga xanaaqay dhaqanka goolhayaha ay isku kooxda yihiin.

Xaalka qolka Labiska ayaan ahayn mid fiican wakhti xaadirkan iyada oo uu Goolhaye Kepa Arrizabalaga tababarka kaligii qaatay shalay Isniintii.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here