Maurizio Sarri Oo Xaqiijiyay Laba Xiddig Oo Kooxdiisa Ah Oo Seegi Doona Kulanka Crystal Palace

Tababaraha kooxda chelsea ee Maurizio Sarri ayaa xaqiijiyay laba xiddig oo kooxdiisa ah oo seegi doona kulanka ay Axada la ciyaari doonaan kooxda Crystal Palace.

Maurizio Sarri ayaa sheegay in xiddigaha Pedro iyo Callum Hudson-Odoi ay dhaawac ku seegi doonaan kulanka Crystal Palace ee premier League.

Blues ayaa marti u noqon doonta kooxda Crystal Palace kulan ka tirsan todobaadkii 20-aad ee horyaalka premier League iyo kulankoodii ugu dambeeyay ee sanadka 2018.

Laakiin waxa ay kulanka ciyaari doonaan iyaga oo ay ka maqan yihiin xiddigaha Pedro iyo Callum Hudson-Odoi kuwaas oo dhaawac ku seegi doona kulanka.

“Labada xiddig waxa ay qabaan dhibaato laakiin waxa sii halisan Pedro” Sarri ayaa u sheegay saxaafada. “Waxa uu qabaa dhaawac muruqa ah sidaas darteed waxa aan u malaynayaa in uu u baahan yahay 10 maalmood”.

“Xiddiga Odio dhaawaciisu ma ahan mid halis ah laakiin uma malaynayo in uu ciyaari doono kulanka Crystal Palace”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here