Maurizio Sarri Oo Xaqiijiyay In Uu Gonzalo Higuain Maanta Noqon Doono Xiddig Chelsea Ah, Miyuu Ciyaari Doonaa Kulanka Tottenham?

Tababaraha Kooxda Chelsea ee Maurizio Sarri ayaa xaqiijiyay in uu Gonzalo Higuain noqon doono xiddig chelsea ah isla Maanta.

Laakiin Sarri ayaa sheegay in uuna Higuain ka hor tagi doono ama ciyaari doonin kulanka ay chelsea Habeen dambe la ciyaari doonto kooxda cheslea kana tirsan lugta 2-aad ee semi-finalka Carabao cup-ka.

“Waa Weeraryahan aad u xoogan, gaar ahaan xilli ciyaareedkaygii ugu horeeyay ee Napolo”ayuu yidhi Sarri.

“Waxa uu qabtay shaqo fiican, shaki la,aan waa mid ka mid ah weeraryahanada ugu fiican ee aan soo tababaray, waxa uu leeyahay khibrada saxda ah ee uu uga ciyaari karo halkan”.

“Waxa aan rumaysanahay in uu maanta saxiixi doono heshiiska uu ku noqon doono xiddig chelsea ah, waxana aan rajaynayaa in uu bilaabo in uu goolal noo dhaliyo, waan ogahay in uu wakhti adag ku jiro haatan laakiin waxa aan rajaynayaa in uu qaab ciyaareedkisii fiicnaa ku soo laabto”.

“Waxa aan u malaynayaa in ayna suurtagal ahayn in uu ka hor tago chelsea, haatan waxaba kama ogi in ay wax dhibaatooyin ah iman doonaan, waxa aan kala hadli doonaa dhakhtarka kooxda wali ma arkin isaga”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here