Maurizio Sarri Oo Weerar Ku Qaaday 3 Xiddig Oo helsea Ah, Eden Hazard Ayaa Ku Jira.

Tababaraha Kooxda Chelsea ee Maurizio Sarri ayaa weerar ku qaaday 3 xiddig oo kooxdiisa ah xilli uu sii wado weerarka xiddigaha kooxdiisa.

Maurizio Sarri ayaa weerar ku qaaday xiddigaha Eden Hazard, Willain iyo Pedro isaga oo sheegay in ayna shaqada u fududayn weeraryaahanada kooxda.

Blues ayaa si cajiib ah ku bilaabatay xilli ciyaareedkan iyada oo uu Maurizio Sarri si cajiib ah ku bilowday shaqadiisa xilli ciyaareedkan.

Laakiin waxa ay u muuqataa in uu dhibaato weyn la kulmay bilihii ugu dambeeyay xilli ciyaareedkan

Sarri ayaa weerar ku qaaday kooxdiisa kadib guuldaradii Arsenal ee bishii hore ka hor inta uuna mar kale weerarin xiddigaha kooxdiisa kadib guuldaradii lama filaanka ahayd ee ka soo gaadhay Bournemouth.

Isaga oo la hadlaya saxaafada ayuu Sarri mar kale weerar ku qaaday xiddigaha kooxdiisa gaar ahaan xiddigaha Hazard, Willian iyo Pedro isaga oo u sheegay ay caawin badan siiyaan weeraryahanka”.

Isaga oo ka hadlaya qaab ciyaareedka Hazard ayuu yidhi” waxana u malaynayaa in uu is badalayo”.

“Waxa uu u bartay in uu kali u ciyaaro laakiin haatan waa in uu koox ahaan u ciyaaro, ma ahan wax u fudud isaga waxa uu noqday Hazard kale”.

“Ma ahan wax fudud laakiin waxa aan haatan arki karaa in in badan la heli karo in uu u ciyaaro qaabkiisa, waa xiddig leh farsamo cajib ah waxana aan u malaynayaa in uu qaban karo wax badan”.

“Ma ahan wax fudud in uu weeraryahan u ciyaaro kooxdan waxa aan haysanaa xiddigo badan oo kaligood ciyar ah sida Hazard, Pedro Iyo Willian sidaas darteed way adagatahay in uu weeraryahanku sameeyo dhaq-dhaqaaqa saxda ah”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here