Maurizio Sarri Oo Wadahalo La Qaatay Koox Inkasta Oo Uu Wali Tababare U Yahay Chelsea

Tababaraha Kooxda chelsea ee Mauirizio Sarri ayaa durba helay dalabyo shaqo inkasta oo uu wali tababare ka yahay kooxda chelsea.

Muarizio Sarri ayaa lagu soo waramayaa in loo soo bandhigay fursad uu ku qabto shaqada kooxda Roma xilli ciyaareedka dambe.

Sida laga soo xigtay La Reppublica kooxda Roma ayaa shalay madax u dirtay London iyaga oo Sarri casho kula qaatay caasimada si ay ugu qanciyaan in uu noqdo tababarohooda xilli ciyaareedka dambe.

Wargayska ayaa sharaxay in ay kooxda Roma shaqada ka caydhin doonto Di Francesco waxana ay Sarri u soo bandhigeen shaqada kooxda.

Kooxda Roma ayaa Sarri ka dhigatay bartilmaameedkooda 1-aad iyaga oo ka faa,iidaysanaya xiriirka xun ee ka dhexeeya taageerayaasha Chelsea iyo tababaraha.

Roma ayaa haatan kaalinta 5-aad kaga jirta horyaalka Serie A-da kadib 24 kulan oo ay ciyaartay iyaga oo Sabtida la ciyaari doona Frosinone.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here