Maurizio Sarri Oo Tilmaamay Sababta Dhabta Ah Ee Ay Chelsea Guuldarada Ugala Kulantay Man United.

Tababaraha Kooxda chelsea ee Maurizio Sarri ayaa sheegay sababta dhabta ah ee ka dambaysa guuldaradii ay kooxdiisu kala kulantay kooxda Man United kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Maurizio Sarri ayaa sheegay in ay xiddigaha kooxdiisu ciyaareen kubad khal-khasan taas oo door weyn ka qaadatay guuldaradii ka soo gaadhay Man United.

Chelsea ayaa guuldaro 2/0 ah kala kulantay Man United kulan ka dhacay Stamford Bridge kana tirsanaa tartanka FA Cup-ka.

Tababare Sarri ayaa weerar culus kala kulmay taageerayaasha kooxda kuwaas oo dalbaday in la caydhiyo qaybtii dambe ee ciyaarta.

Kadib dhamaadkii ciyaarta taageerayaasha kooxda ayaa ku oriyay xiddigaha kooxda Tababare Sarri ayaana haatan u dagaalamaya badbaadinta shaqadiisa.

Isaga oo la hadlaya BBC Sport ayuu Sarri sheegay in ay chelsea nasiib daro ku ahayd guuldaradaas laakiin u baahnaa in ay xiddigihiisu dagaalamaan.

“Caawa waxa aan ahayn bilaa nasiib sababta oo ah waxa aan si fiican u ciyaarnay qaybtii hore kadib dhamaadkii qaybtii horena waxa ay ahayd 2/0”.

“Waxa aan siinay fursado yar waxa aan qaybtii dambe ciyaarnay kubad khal-khasan”.

“Kadib qaybtii hore may ahayn wax fudud in aan ciyaarno maadama ay 2 gool dhaliyeen laakiin waxa aan ciyaarnay qayb hore oo cajiib ah”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here