Maurizio Sarri Oo Tilmaamay Cida Masuulka Ka Ah Qaab Ciyaareedka Xun Ee Jorginho.

Tababaraha Kooxda chelsea ee Maurizio Sarri ayaa sheegay cida iska leh eeda qaab ciyaareedka xun ee xiddiga khadka dhexe ee kooxda ee Jorginho.

Maurizio Sarri ayaa qaab ciyaareedka xun ee Jorginho ku eedeeyay xiddigaha kooxda chelsea kuwaas oo la qabsan waayay qaab ciyaareedkiisa gaarka ah.

Jorginho ayaa Maurizio Sarri u soo raacay chelsea isaga oo 57 milyan oo euro kaga soo biiray kooxda Napoli laakiin si weyn ugu fashilmay in uu saamayn ku yeesho.

“Jorginho waxa uu leeyahay shaqsiyada xoogan”ayuu Sarri yidhi.

“Waxa aan rumaysanahay in uuna wax wax dhibaato ah ku qabin in uu ku ciyaaro cadaadis, waxa uu si fiican u ciyaaray kulankii Tottenham”.

“Isaga waxa muhiim u ah in uu si fiican ku dhamaysto kulamada”.

“Waxa aan u malaynayaa in uu qaban karo shaqo fiican laakiin waxa ay xiddigaha kooxdu u baahan yihiin in ay fahmaan qaab ciyaareedkiisa”.

Jorginho ayaa ku bilowday 26 kulan oo horyaalka premier League ah waxa gool ah ama caawin ahna ma dhiibin ilaa haatan horyaalka.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here