Maurizio Sarri Oo Sheegay Halka Wado Ee Uu Callum Hudson-Odoi Si joogto Ah Ugu Ciyaari Karo Chelsea

Tababaraha Kooxda chelsea ee Maurizio Sarri ayaa shaaca ka qaaday maamulka Blues-na u sheegay halka wado ee uu xiddiga da,yarka ah ee Callum Hudson-Odoi ku heli karo fursad uu si joogto ah ugu ciyaaro kooxda Chelsea.

Callum Hudson-Odoi ayaa khaati ka taagan in uuna fursad fiican ka helin kooxda Chelsea xilli ciyaareedkan inta uu tababare Maurizio Sarri maamulayay kooxda.

Inkasta oo marka fursada la siiyo laguna bilaabo shaxda uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigo hadana Callum Hudson-Odoi ayaa wali ku jira kaydka kooxda Blues.

Taageerayaasha Kooxda iyo khabiirada kubada cagta ayaa Sarri ugu baaqay in uu fursad siiyo xiddiga si joogto ahna ugu bilaabo kulamada kooxda.

Laakiin Sarri ayaa sheegay in uuna joogto ugu bilaabi karin shaxda xiddiga Callum Hudson-Odoi sabab la xidhiidha xiddigo fiican oo kaga horeeya booska.

Callum Hudson-Odoi ayaa lala xiriirinayay kooxda chelsea suuqii January waxana ay u badantahay in ay mar kale ku soo laaban doonto baacsigiisa dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Sarri oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi” Waxa aan doonayaa in uu sii joogo kooxda waa xiddig mustaqbal fiican ku leh kubada cagta”.

“Laakiin hadii aan doonayo ama ay kooxdu doonayso in uu Callum Hudson-Odoi si joogto ah ugu ciyaaro kooxda waa in ay iibiso xiddigaha Willian, Pedro ama Hazard”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here