Maurizio Sarri Oo Sheegay Halka Boos Ee Uu Kooxdiisa Ka Xoojin Doono Suuqa January, Mana Ahan Weerarka

Tababaraha Kooxda chelsea ee Muarizio Sarri ayaa tilmaamay halka boos ee uu doonayo in uu ka xoojiyo kooxdiisa inta lagu jiro suuqa January.

Maurizio Sarri ayaa sheegay in uuna u dhaqaaqi doonin weeraryahan cusub inta lagu jiro suuqa January laakiin si aad ah u doonayo in uu kooxda keeno xiddig garabka ka ciyaara.

Blues ayaa waayi doonta Olivier Giroud muddo kadib markii uu dhaawac ka soo gaadhay kulankii Crystal Palace sidoo kale Alvaro NMorata uuna ku bilaaban 5 kulan oo premier League.

Sarri ayaa laga yaabaa in uu amaahda uga yeedho xiddigaha Tammy Abraham ama Michy Batshuayi si uu u xaliyo dhibaatada weerarka laakiin sheegay in uu ku faraxsan yahay xiddigaha weerarka uga ciyaara.

Markii wax laga waydiiyay in uu amahaada uga yeedhi doono xiddigaha Tammy Abraham ama Michy Batshuayi ayuu yidhi “Maya Sababta oo ah waxa aan haystaa dookh waana Eden Hazard”.

“Waxa aan haysanaa Morata iyo Hazard oo si cajiib ah uga ciyaari kara booskaas sidii aan aragnay 2-dii ilaa 3-dii kulan ee ugu dambeeyay”.

“Sidaas darteed uma malaynayo in aan wakhti xaadirkan u baahanahay weeraryahan cusub laakiin waxa laga yaabaa in aan u dhaqaaqno xiddig garabka ah sababta oo ah waxa haatan dhaawacan xiddigaha Pedro, Hudson-Odoi iyo Loftus-Cheek sidaas darteed ma haysto dookh xiddigaha garabka ah”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here