Maurizio Sarri Oo Sharaxay Sababta Uu Eden Hazard Ugu Baahan Yahay In Uu Chelsea Ka Tago

Tababaraha Kooxda chelsea ee Maurizio Sarri ayaa sheegay in Eden Hazard loo ogolaan doono in uu isaga tago kooxda hadii uuna doonayn in uu u ciyaaro kooxda xilli uu shaki weyn ku jiro mustaqbalka xiddiga reer Belguim.

28 jirkan ayaa galay 18-kii bilood ee ugu dambeeyay heshiiskiisa waxana uu si cad u sheegay in uu doonayo in uu dookhyadiisa ka fiirsado xilli ay Real Madrid xiiso wakhti dheer ah u hayso.

Hazard ayaa dhawr jeer si cad uga hadlay rabitaankiisa ka ciyaarista kooxda Real Madrid waxana uu go,aanasaday in uuna heshiis cusub u saxiixin chelsea waxana laga yaabaa in xagaaga loo ogolaado in uu isaga tago kooxda.

Inkasta oo uu Sarri qirtay in uu rajanayo in uu Hazard sii joogo kooxda hadana waxa uu sheegay in ay tahay go,aankiisa hadii uu joogayo iyo kale uu tagayaba.

“Eden Waxa 28 jir, hadii uu doonayo in uu boxo, waxan qabaa in uu boxo, waxa aan rajaynayaa in uu joogo”ayuu u sheegay saxaafada ka hor kulanka Bournemouth.

“Waxa aan rajaynayaa in uu sii joogo halkan waliba naga caawiyo in aan horumar samayno, waxa uu leeyahay tayo uu ku noqon kara xiddiga ugu fiican adduunka”.

“Mararka qaar waxa uu ku faraxsan yahay wax yar, shaqaydayda ayaa ah in aan horumariyo waliba dhigo booskiisa ugu fiican, mararka qaar waa in aan boos kale ka ciyaarsiiyo taasi waa shaqadayda”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here