
Tababaraha Kooxda Chelsea ee Maurizio Sarri ayaa si la yaab leh u qirtay sababta ay dhacdadii Goolhaye Kepa ugu fiican tahay kooxda chelsea.
Maurizio Sarri ayaa sheegay in dhacdadii Kepa ee muranka badan dhalisay ee dhacday finalkii Carabao cup-ka in ay midaysay xiddigaha kooxda Chelsea.
Goolhayaha ugu qaalisan suuqa kala iibsiga ayaa diiday in uu badal ku boxo daqiiqadihii ugu dambeeyay ee qaybtii dheeriga ahayd ee finalkii Carabao cup-ka taas oo si weyn uga xanaajisay tababare Sarri.
“Marka ay jirto xaalad adag waxan u malaynayaa in ay cid walba ku adag tahay”ayuu sarri yidhi “Laakiin waa fursad weyn sidoo kale, waa in aad qaadato fursadaas”.
“Dabcan waa khibrad aad u xun laakiin waxa u malaynayaa in aan ka baxnay xaalada anaga oo ka fiican sidii hore”.
“Dhanka xiddigaha waxa aan u malaynayaa in ay khibradii dhacdadaas midaysay xiddigaha kooxda marka loo eego markii hore”.