Maurizio Sarri Oo Sharaxay Qaabka Uu U Garaaci Doono Man City.

Tababaraha kooxda Chelsea ee Maurizio Sarri ayaa sharaxay qaabka ay kooxdiisu u qaban doonaan kooxda Man City kulanka caawa ka tirsan premier League.

Maurizio Sarri ayaa sheegay in uu ku kalsoon yahay in ay kooxdiisu dhibco ka qaadan karto kooxda Man City xitaa hadii uu Jorginho qaab ciyaareed xun soo bandhigo.

Blues ayaa caawa la ciyaari doonta Etihad iyaga oo ku rajo weyn in ay garaacaan City oo ay markii ugu horaysay guuldaro dhabarka u saaray xilli ciyaareedkan premier League.

Sarri ayaa noqday tababaraha kooxda chelsea xagaagii isaga oo Napoli ka soo qaatay Jorginho oo uu Napoli kala soo shaqeeyay.

27 jirkan ayaa sameeyay baasaska ugu badan ee xiddig kasta oo premier League ah xilli ciyaareedkan laakiin Sarri ayaa sheegay in joojinta Jorginho ayna joojin karin kooxda chelsea.

“Waxa ay ciyaari karaan hadii ay joojiyaan Fernanadinho wali way ciyaari karaan, hadii ay joojiyaan Jorginho waan ciyaari karnaa”.

“Waxa aan haysanaa dookh, waxa laga yaabaa in ay haystaan dookhyo naga badan marka loo eego in ay wada shaqeeyeen muddo 3 sano ah”.

“Laakiin waxa aan xasuustaa markii aan Napoli joogay in hadii la qabto Jorginho in aan sii ciyaari jirnay waxanana rajaynayaa in ay sidaas noqoto markan”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here