Maurizio Sarri Oo Eden Hazard Bar-Bar Dhigay Xiddigaha Cristiano Ronaldo & Lionel Messi Kadib Guushii Watford

0

Tababaraha Kooxda chelsea ee Maurizio Sarri ayaa xiddiga Kooxdiisa ee Eden Hazard bar-bar dhigay xiddigaha Cristiano Ronaldo & Lionel Messi Kadib guushii ay chelsea ka gaadhay Watford.

Chelsea ayaa si buuxda ula wareegtay kaalinta 4-aad ee kala saraynta horyaalka premier League kadib markii ay 2/1 uga badiyeen kooxda Watford kulan ka tirsanaa premier league.

Hazard ayaa dhaliyay 2-da gool isaga oo sidaas ku dhaliyay goolkiisii 100-aad ee kooxda chelsea ee tartamada oo dhan isaga oo noqday xiddigii 1-aad ee rikoodhkaas u gaadha chelsea.

Xiddiga reer Belguim ayaa wakhtigii ugu dambeeyay si weyn loo bar-bardhigay xiddigaha ugu fiican adduunka ee Ronaldo iyo Lionel Messi kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay.

Sarri ayaa si deg-deg ah u amaanay saamaynta Hazard kadib kulankii Watford isaga oo sheegay in uu Hazard la saamayn yahay xiddigaha Ronaldo iyo Messi.

“Dabcan waa xiddig muhiim noo ah, sida ay Messi Muhiimka ugu yahay Barcelona Ronaldo-na muhiim ugu yahay Juventus”ayuu yidhi.

“Waa xiddig weyn”.

“Waxa uu ka ciyaari karaa boos walba”.

“Waxa uu haatan nooga ciyaaraa weerarka tooska ah”.

“Waxa uu awoodaa in uu ka ciyaaro boos walba waxana uu noo dhaliyay 2 gool waxana aan aaminsanahay in uu sameeyay 2 ama 3 fursadood oo cajiib ah”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here